Women working on seedlings for a Nature-based solutions project in Dire Dawa, Ethiopia

SUNCASA

Kobcinta Xalka Ku Saleysan Dabiiciga ee Magaalooyinka (NbS) si Loogu Waafajiyo Isbeddelka Cimilada ee Afrikaka  Hooseya dhulka lama deeganka  (SUNCASA) waa mashruuc socon doona muddo 3 sano ah. Ujeedkiisu waa in la xoojiyo adkeysiga, sinnaanta jinsiga, ka mid noqoshada bulshada, iyo ilaalinta noolaha dabiiciga ah ee magaalooyinka Itoobiya, Ruwanda, iyo Koonfur Afrika.

 

SUNCASA waxa uu uga  faa’iideyn doonaa 2.2 milyan oo qof oo ku nool meelaha halista weyn ay ka jirto fatahaadaha sida Dir dhaba  (Itoobiya), Kigali (Ruwanda), iyo Johannesburg (Koonfur Afrika). Mashruucan waxa uu maalgelin ka helayaa Global Affairs Canada iyada oo loo marayo barnaamijka Partnering for Climate, waxaana fulin doona IISD iyo World Resources Institute, iyada oo lala shaqeynayo ururo maxalli ah oo fara badan. Waxqabadyada NbS ee u badan  dhinaca bulshada waxaa ka mid ah dib u soo celinta iyo ilaalinta aagagga biyaha kor uga yaalla magaalooyinka iyadoo la adeegsanayo agroforestry, abuurka dhir cusub, iyo beeridda geedo magaalada dhexdeeda ah .