Simeon mountains in Ethiopia, Africa

Diridhaba

Magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, SUNCASA waxay soo celin doontaa biyo mareenka wabiga Dechatu si ay wax uga qabato khatarta fatahaadaha, nabaad guurka, iyo walbahaarka biyaha magaalooyinka. In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool meelaha ay daadadka u nugul ayaa ka faa'iidaysan doona xalalka jawigga dabeeciga ee degaanka ku salaysan ee ka jawaabaya jinsiga (XKJ), oo ay ku jiraan dhir-beerista, samaynta aagag-kayn ah, maaraynta qulqulka iyo abuurista hab-nololeedyo, iyo beerista geedaha magaalooyinka si loo yareeyo fatahaadaha iyo kulaylka.

Daadadka, nabaad guurka carro, iyo biyo la'aan ayaa ah khataraha isbedelka cimilada ee Diridhaba. Caafimaadka bulshada iyo ganacsiga deegaanka ayaa halis ugu jira kulaylka iyo biyo la'aanta sababtoo ah heerarka biyaha dhulka hoostiisa oo hoos u dhacay.

SUNCASA waxay la kaashan doontaa ka hawl-galayaasha maxalliga ah si ay u hirgeliyaan (XKJ), iyaga oo awooda saareya tuulooyinka iyo  magaalooyinka iyo sido kale  tuulooyinka (qabaleyaasha) meelaha fatahaadaha u nugul. XKJ ee ay hirgalinayso  SUNCASA waxay yaraynayaan daadadka iyo nabaad-guurka ciidda, waxay kor u qaadi doonaan dib-u-kicinta biyaha dhulka hoostiisa iyo horumarinta aagaga-kaynta, waxayna balaadhin doonaan fursadaha beeralayda, horumarinta wax-soo-saarka dhulka, wax-soo-saarka dalagga, iyo helitaanka tignoolajiyada.


Hindisaha ayaa si toos ah waxaa uga faa'iidaysan doona inta u dhaxaysa 3,500 iyo 4,000 oo shakhsi iyada oo la siin doono tababbarka kor u qaadista iyo shaqaalaynta wax soo saarka abuurka, dhaqashada shinnida, diyaarinta caleenta tayada leh, diyaarinta wax-sosaarka bacriminta, iyo hawlgelinta kale ee la xidhiidha mashruuca
Mashruucu wuxuu sidoo kale kor u qaadi doonaa meelaha cagaaran ee magaalooyinka iyadoo la horumarinayo beeraha bulshada iyo beerista dhirta dhulka danta guud, hantida gaarka ah, iyo hareeraha waddooyinka.

Hawlaha SUNCASA ee Biyaha Wabiga Dechatu

SUNCASA Dire Dawa Watershed Vertical