Juskei river in Alexandra Township, Johannesburg. SUNCASA. Photo by CHA

Johannesburg

Johannesburg, Koonfur Afrika, SUNCASA waxay taageeri doontaa dib u soo noolaynta biyo Xidheenada Wabiga Sare ee Jukskei, yaraynta fatahaada, hagaajinta kulaylka maamul magaalooyinka, kor u qaadida biyaha nadiifinta, taageerida habnololeedyada, Baladhinta goobaha cagaaran, iyo ilaalinta kala duwanaanshaha noolasha. Xalalka dabeecadda ku salaysan ee ka jawaabaya jinsiga (NbS) ayaa waxaa  ka faa'iidaysan doona 1.045 milyan oo qof waxayna dhalin doontaa ku dhawaad ​​1,000 shaqo oo cagaaran ah, oo ay ogu horeeyan bulshada  danyarta ah.

Johannesburg, nidaamka qashinka biyaha soracaya ee webiyada ayaa khatar ku ah amniga biyaha  ee magaalada, Badashada khatarta ka imanaysa fatahaadda iyo saameeynta kala duwanaanshaha noolasha deegaanka. Bulshooyinka ku tiirsan wabiga Jukskei waxay sidoo kale la halgamayaan heerkulka sare u kaca iyo saamaynta kulaylka jasiiradda, gaar ahaan bulshada saboolka ah ee ana lahayn  awoodda ay kula  qabsadan.

Biyo-xidhenka Jukskei waxa uu ka kooban yahay goobo la dego oo rasmi ah iyo kuwo aan rasmi ahayn, aagagga beeraha, iyo xarumaha yaryar. Daagsiimooyinka aan rasmiga ahayn ee gobolladan ayaa si gaar ah ugu nugul saameynta fatahaadaha—kaabeyaasha burburay, luminta badeecadaha, iyo khataraha caafimaadka la xiriira ayaa iman kara inta lagu jiro dhacdooyinka fatahaadda.

Iyadoo lala kaashanayo la-hawlgalayaasha maxalliga ah, SUNCASA waxay mudnaan siin doontaa in meesha laga saaro noocyada qashinka mesha fog ka Imanaya ee xiraya marin-biyoodka magaalada, dib-u-habaynta jiinka webiga, maaraynta kulaylka magaalooyinka, iyo kor u qaadista amniga biyaha. Intaa waxaa dheer, waxqabadyadu waxay diiradda saari doonaan ballaarinta meelaha cagaarka ah iyada oo loo marayo beerista geedaha iyo waxqabadyada dhirta si loo kordhiyo dhirta asaliga ah iyo dhirta kalaba.

Hawlaha NbS ee Qabsashada Webiga Jukskei

SUNCASA - Joburg Watershed vertical