Water for the Future staff working on invasive alien species removal on Jukskei river -SUNCASA

Sinnaanta jinsiga iyo ka mid noqoshada bulshada

Mashruuca SUNCASA waxa ujeedadiisu tahay in la dhimo caqabadaha hortaagan ka-qaybgalka haweenka iyo bulshada  kale ee latakoro ee aan ka qaybqadanin qorshaynta, hirgelinta, iyo la socodka xerarka  Nature-based Solutions (NbS) ee magaalooyinka Diridhaba (Itoobiya), Kigali (Rwanda), iyo Johannesburg (Koonfur Afrika).

Dhibaatooyinka ka imanaya Saamaynta cimilada ee ku imanaya noolaha iyo dhibatoyinka ka imanaya hab-nololeedka bulshada, iyo cadoyinka xun-xun waxaa kala duwan qaabka ka faidaysiga fursadaha iyadoo lagu xidhayo shurudaha sida lab iyo dheddig ama qabiilka. Midabka, bulshada qarkeed ayaa la kulnta midab takoorka badan Sababo la xiriira taariikha hore iyo dhaqanka, midabtakorka iyo caadooyinka bulshada dhexdooda laga yaqano awgeed, haweenka iyo gabdhaha, iyo sidoo kale ragga iyo wiilasha, waxay leeyihiin bulshada dhexdeeda doorar kala duwan helitaanka, isticmaalka, iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah.

Tusaale ahaan, haweenku waxay si aan xad lahayn mas'uul uga yihiin hubinta iyo ogansha cuntada iyo biyaha sababtoo ah doorarka jinsiga ee soo jireenka ah, taas oo had iyo jeer keenta ku tiirsanaanta kheyraadka dabiiciga ah.

Si loo helo saameyn iyo sinaan, SUNCASA waxaa loogu talagalay inay tixgeliso kala duwanaanshahan doorarka, mas'uuliyadaha, iyo aqoonta iyada oo sidoo kale la tacaalaysa caadooyinka iyo dhaqamada takoorka ah. Hindisaha ayaa ka shaqayn doona sidii kor loogu qaadi lahaa fahamka xubnaha bulshada ee baahida loo qabo hababka wax ka qabashada jinsiga ee NbS, gaar ahaan ragga iyo go'aan-qaadayaasha.

SUNCASA waxay fududayn doontaa wadahadalada ku xeeran caqabadaha ku salaysan jinsiga, oo ay ku jiraan caadooyinka bulshada iyo dhaqdhaqaaqa awooda deegaanka. Hindisuhu waxa uu raadinayaa in la abuuro fursado la wanaajiyey si loo wanaajiyo haweenka iyo kooxaha kale ee aan matali karin si ay u helaan xaquuqdooda iyo in la dhiso awoodda ka qaybqaadashadooda waxqabadyada NbS iyo maamulkeeda heer deegaan. Intaa waxaa dheer, SUNCASA waxay ka caawin doontaa degmooyinka sidii ay u qaadan lahaayeen xeeladaha NbS-ka ka jawaaba ee jinsiga, iyada oo gacan ka geysanaysa hab-raac siyaasad-dejin oo loo dhan yahay.

Himilooyinka SUNCASA ee ku wajahan sinnaanta jinsiga iyo ka mid noqoshada bulshada

  • Xeerarka adag: Kor u qaadida caadooyinka bulshada iyo jinsiga ee togan kuwaaso horu marinaya xuquuqda haweenka iyo dadka kale ee la takoro.

  • Abuuritaanka fursadaha: Awood-siinta haweenka iyo kooxaha kale ee la takoro  ka-qaybgalkooda, hirgelinta NbS iyo hubinta galaangalkooda goobaha wada tashiga .

  • Dhisidda buundooyinka: Taageerida ururada haweenka iyo kooxaha kale ee la takoro si ay si macno leh uga qayb qaataan hababka maamulka NbS ee maxalliga ah iyada oo isla mar ahaantaana awood u siinaya dawladda hoose,kana dhigaysa  waajibaad-qaadayaal, inay la yimadan go'aan-qaadasho dheeraad ah oo ka jawaabaya jinsiga.

3 walxood oo GESI ah gudaha Magaalada NbS

Graphic - GESI elements in Urban NbS